CC Shakuur oo carro ku jaray wadooyinka soo gala hoygiisa

2

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame degan agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ayaa maanta carro ku jaray dhamaan wadooyinka soo gala goobta uu degan yahay oo dhacda inta u dhaxeysa isgoysyada Tarabuun iyo KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Gadiidka waawyn ee carro gediyaha ayaa tan iyo saakay la arkayey iyaga oo daabulaya carada lagu jaray wadooyinka gala hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee dalcadda Cabdiqaasin ee degmada Hodan.

Ciidamada ilaalada u ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xalay iska caabiyey weerar uga yimid ciidamo daacad u ah madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, kuwaas oo dagaal saacado qaatay kadib, iskood isaga soo laabtay.

Ciidamo kale oo ka mid ah kuwa ka soo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha ay iyana ku sugan inta badan wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan isgoysyada, Shaqaalaha, Dabka iyo Sayidka, kuwaas oo warbaahinta u sheegay inay qabsa doonaan madaxtooyada, hadii uusan mudo kororsiga ka laaban Farmaajo ama uusan is casilin.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana markasta suura-gal ah inuu dagaalka dib u qarxo, in kastoo ciidamada dowlada ee taabacsan madaxda mudo xileedku ka dhamaaday dib loogu celiyey goobahoodii oo aan lagu arkeyn wadooyinka.