Shir u socda Midowga Musharaxiinta iyo Wakiilda Beesha Caalamka

13

Waxaa haatan socda shir u dhaxeeya Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah iyo Wakiilda Beesha Caalamka ee C6+, kaas oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee dalka iyo isku dhacyadii u dambeeyey ee Muqdisho ay marti-gelisay.

Shirka ayaa ku qabsoomay qadka internetka ee Zoomka, waxayna ka wadahadlayaan xaalada ay gashay magaalada Muqdisho, isku dhacyadii xalay illaa shalay dhacay iyo sidii loo heli lahaa deganaasho siyaasadeed.

Xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane ayaa dadaal ugu jira in xiisada dagaal oo ay gashay Muqdisho la joojiyo, isla markaana deg deg loo bilaabo wadahadal u dhaxeeya dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.