Puntland oo DF ku eedeysay in ay khalalaase ka wado deegaanadeeda

3

Dowlad-gobolleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in awooda dowladda federaalka loo adeegsanayo in qalqal loo geliyo amniga deegaanadeeda.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamed Gallan ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku howlantahay sidii ay u burburinta nidaamka federaalka, isla markaana dhaqaalo ku bixinayaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay dowladda federaalka dhaqaalo badan u adeegsatay sidii loo burburin lahaa Maamulka Puntland.

“Waxaa ay isku dayeen in ay dadka farqalo ka dhex abuuraan, hub u dhiibaan iskuna diraan, iskana horkeenaa, muujiyaana bannaanbaxa Dhahar mid looga soo horjeedo Puntland” ayuu yiri wasiir Gallan.

Isagoo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri ”Ma aqbali karno wixii dhiigeenu ku baxay oo wakhtigeenu ku baxay, in shakhsiyaad magaca soomaaliyeed wata oo waliba wakhtigoodii dhamaaday inay mar labaad kala irdheeyaan dadka soomaaliyeed”.