Abiy Axmed oo u hanjabay askartii tacadiyada ka geystay gobolka Tigray

6

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xildhibaanada baarlamaanka u sheegay in lala xisaabtami doono ciidamada lagu helo dambiga ah in tacaddiyo ay gesyteen xilligii howlgallada militeri ay ka socdeen gobolka Tigray.

“Askari kasta oo lagu helo in uu ka dambeeyay kufsi loo geystay haweenkeena isla markaana dhac u geystay bulshada gobolka waa lala xisaabtami doono”  ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Hadalka Abiy ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii Qaramada Midoobey ay sheegtay in Itoobiya ay ogolaatay in si wadajir ah baaritaano loogu sameeyo eedeymaha ah in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka dhaceen gobolka Tigray.

Mareykanka wuxuu ku tilmaamay colaadda Tigray isir sifeyn.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa bishii Nofeembar howlgal militeri kaga dhawaaqay gobolka Tigray kadib ciidamada TPLF ay weerar ku qaadeen saldhiga militeri oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka.

Waxaana lagu soo warramay in colaadda Tigray ay kumanaan qof ku dhinteen halka boqolaal kun ay ka qaxeen gobolka.