Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada dilka guddoomiye waaxeed iyo ilaaladiisii

8

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu dilay seddax qof, kuwaas oo sheegeen inay kala ahaayeen masuul ka tirsanaa maamulka deegaanka Ceelaha Biyaha iyo laba askari oo ilaalo u ahaa.

Weerarkaan oo ahaa mid gaadmo ah, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ahaa waxuu gelinkii dambe ee maanta ka dhacay deegaanka Ceelaha Biyaha ee koonfurta Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in seddaxda qof oo ay dileen ay kala ahaayeen UK Xuseen Cali oo ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka deegaanka Ceelaha Biyaha iyo laba askari oo ilaalo u ahaa.

Warkaan oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda waxaa lagu sheegay raggii dilka geystay ay horay u soo qaateen hubkii laga dishay masuulkaan iyo askartii la socotay.