Midowga Musharaxiinta oo war ka soo saaray Shirka Muqdisho

17

Golaha midawga musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay shirka madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad gobleedyada iyo gobolka Banaadir ee la filayo in uu ka furmo xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ay soo saareen Midowga ayay uga hadleen xaaladdaha amniga, Cudurka Coronavirus iyo shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho ka furmaya.

Golaha musharixiinta ayaa falalka amni darrada ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dad diidan nabadda iyo in heshiis laga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana furad ka helay fashilka amni ee dowladda.

Golaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan faafida Cudurka halista ah ee COVID-19, ayna ka feejignaadan dhibaatooyinka amni darro ee ka dhacaya dalka ee kuwa geysanaya ka faa’iideysanayaan Jahwareerka siyaasadeed ee jira.