Kenya oo sheegtay ‘in ay dishay’ dagaalamayal ka tirsan Al-shabaab

0

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar ay dagaalamayaal ka tirsan A-Shabaab ku soo qaadeen saldhigooda ku yaalla deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Sargaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan saldhiga qooqaani ay iska caabiyeen weerarkaasi.

Sargaalka ayaa sheegay in ay dileen qaar kamid ah dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday, isla markaasna ay hub badan oo ay wateen gacanta ku dhigeen.

Dowladda Kenya gaar ahaan wasaaradda Difaaca ma aysan caddeyn tirada dagaamayaasha ay dileen iyo tirada hubka ay gacanta ku dhigeen.