Jubbaland oo walaac ka muujisay abaaraha ka jira Gedo

24

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay abaaraha ka taagan gobolka Gedo.

Jubaland ayaa dirtay baaq caalami ah oo ku saabsan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool gobolkaas.

Gobolka Gedo waxa uu ka mid yahay deegaannada ay saamaysay abaarta, waxaana qaar ka mid ah xoola-dhaqatada ay bilaabeen in ay u hayaamaan deegaanno kale si ay biyo iyo baad ugu helaan xoolahooda.