DFS oo sheegtay in ay dagaal ku qabatay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab

3

Ciidamada xoogga gaar ahaan Kumaandooska Danab oo howlgal ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheeegay in ay qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada ee hoggaaminayay howlgalkaan ayaa sheegay In howlka ay ka fuliyeen tuulooyinka Warciise, Maja-badan, Qoordhere, Bulo gannay, ku waa dhamantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalkan inta uu socday waxaa jiray dagaal dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyadoo khasaare uu soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaaladan ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, halka ay ku qabteen kuwo kale.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay isku fidinayay tuulooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.