Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Warbixisay Kiisaskii Ugu Dambeeyay Ee Covid19

15

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa faah faahin ka bixisay Kiisaskii ugu dambeeyay ee kasoo kordhay Caabuqa Covid19, oo maal mihii ugu dambeeyay dib usoo laba kacleeyay.

Wasaaraddu waxaa ay soo bandhigtay  xogtii ugu dambeeyay ee Xaaladdaha soo kordhay iyo dadka ka bogsaday xanuunka, waxaana soo kordhay kiisas cusub oo gaaraya ilaa 28 kiis.

Dadka laga helay caabuqa ayaa intooda badan waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana wasaaraddu sheegtay in Muqdisho laga helay 27 kiis oo cusub.

Waxaana sidoo kale hal qof laga helay Hirshabeelle, waxaana tirada guud ay isku noqonee 28 kiis oo cusub.

28-ka ruux ee laga helay caabuqa ayaa 22 ka mid ah waxaa ay yihiin lab, halka  lixda kale yihiin dheddig, Tirada Guud ee Laga Helay waaa 5,013, waxaana tirada guud ee ka bogsatay xanuunka ay tahay 3,733,iyadoo dhimashada guudna ay tahay 144.