Kenya oo sheegtay in ay dishay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab

4

Saraakiil ka tirsan Booliiska Kenya oo la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Berri Kenya.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay weerar ku soo qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, isla markaasna ay iska caabiyeen.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay ku raad joogaan raggii weerarka ku soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa weeraro isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku qaada deegaanno ka tirsan Kenya, kuwaasi oo ay la beegsadaan ciidamada iyo dadka u dhashay dalkaasi.