Taliyaha Ciidanka Dhulka DFS Oo Eedeyn U Jeediyay Madaxweynaha Jabuuti

23

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Gobolka Gedo ayaa kormeer ku tegay fariisimaha Ciidanka dowladda Federaalka ku leeyihiin duleedka degmada Balad-xaawo.

Taliyaha ciidanka dhulka oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidankii soo weeraray Balad-xaawo ay kasoo gudbeen xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana halkaas kasoo tuureen madaafiic, iyagoona dib ugu laabtay gudaha Kenya.

Waxaa uu Taliye General Maxamed Tahliil Biixi nasiib darro ku tilmaamay Warbixii ay soo saareen Guddiga xaqiiq raadinta ee IGAD, waxaana dowladda Kenya uu ku eedeeyay in ay colaad ka hurineyso Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka dhulka ayaa Warbixintii saareen Guddiga IGAD ee lagu sheegay in Kenya aysan kusoo xad-gudbin Soomaaliya ku eedeeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana tilmaamay in arrintaas ay gaar u tahay siyaasadiisa uu ku doonayo inuu xilka ku dheereysto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in Ciidankii soo weeraray degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ay soo hubeysay dowladda Kenya, ayna iska difaaceen Ciidankii xoogga dalka, lana gaarsiiyay jab xoogan.

Dowladda ayaa sidoo kale dowladda Jabuuti ku eedeeyay inay la safatay Kenya, kadib Warbixintii Guddiga IGAD, isla markaana dowladda ku tilmaamay in aan dhex-dhexaad aheyn oo hal dhinac laga soo saarin.