Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Bakool

33

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garasweyne oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray Ciidama xoogga  Qeybta 60-aad iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii kolonyo Ganacsato iyo ciidan Galbinayay oo ku sii jeeday dagmada Xudur ay weerar ku soo qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Kolonyadan Ganacsatada ay muddo ku xayirnaayeen degmada Ceel-Berde cabsi ay ka qabaan in ay weeraraan Al-Shabaab.

Laba maalin ka hor ayay ganacsatadaan oo ka soo baxeen degmada Ceel Berde waxaana wadada inta ay socdeen la kulmayeen miinooyiin Al-Shabaab ay jidka ku aaseen.

Dagaalka maanta dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, Shan kamid ah ciidamada ayaa ku dhaawacmay dagaalka, waxaana uu burbur soo gawaarida ay wateen ciidamada.

Isgaarsiinta gobolka ayaana go’an taasi oo keentay in aan warar sugan laga helin dagaalka.