DFS Oo Gacanta Ku Dhigtay Shabakado Ka Shaqeynayay Socdaal Sharci Darro Ah

15

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in ay qabteen Shabakado isku xiran oo ka shaqeyn jiray Arrimo la xiriira socdaalka sharci darrada ah.

Agaasime koonfi ayaa sheegay in sanadkii tegay ee 2020 ay diiwaan-geliyeen 479 kiis oo socdaal sharci darro ah oo la doonayay in si qarsoodi ah dad dalka Soomaaliya looga dhoofiyo, hayeeshee laga hortegay.

Hay’addaha dembi baarista ayuu Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda tilmaamay in loo gudbiyay dadkii loo qabtay kiisaskaas, kuwaasi oo uu xusay in qaarkood  xukuno lagu riday, halka kuwo kalena  sharciga la marsiiyay oo la ganaaxay.

Sidoo kale Agaasime Maxamed Aadan Koofi ayaa Carabka ku dhuftay inay jiraan dad u badan Soomaali oo ka shaqeyn jiray socdaalka sharci darrada ah, kuwaasi oo laga soo qabtay dalka dibadiisa, ayna dowladda la kaashatay Hay’addo Caalami ah.

“Waxaa jira Shabakado isku xernaa oo ka shaqeynjiray arrimahaan, markii aan la kaashanay wadamo naga baxsan iyo Hey’adaheena ammniga waxaa suuragashay in laso xiro” ayuu yiri Agaasime Koofi.

Hadalkaan ayuu Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Shirweynaha Wadatashiga qiimeynta qataraha lacag dhaqidda oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.