Masar oo lagu eedeeyay in ay ka shaqayneyso xasilooni darada Soomaaliya

12

Wakaalada wararka  ee  Anadole ee ka soo baxda dalka Turkiga ayaa daabacday in dowladda Masar ay ku guul-darreysatay Qorshe siyaasadeed oo ay ku dooneysay in saameyn kugu yeelato Soomaaliya.

Diblomaasi sare oo ay soo xigatay anadole ayaa sheegay in dowladda Masar ay dhowr jeer isku dayday in inay saaxiib la noqoto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayada oo u ballan-qaadeysa taageero militari.

Qaahira ayaa bishii July waxay mas’uuliyiinta Hargeysa weydsiiteen inay u ogolaadaan inay sladhig militari halkaas ka sameysato.

“Masaarida aad u ogyihiin in xiriirka xun ee Muqdisho iyo Hargeysa uu xilli kasta isku beddeli karo dagaal. Waxay isku dayayaan inay shidaal kusii shubaan dabka,” ayuu yiri diblomaasiga.

Saameynta xooggan ee Masar ay dooneyso inay ku yeelato Geeska Afrika ayaa waxaa sabab u ah xiiisadda kala dhaxeysa Itoobiya ee salka ku haysa biyo-xireenka Nile, waxaana Masar ay dooneysaa inay gacanta ku dhigto xulufaysiga Soomaaliya iyo Sudan si ay gees ugu riixdo Addis-Ababa.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaas sidoo kale lagu sheegay in dowladda Masar ay wado dadaalada xasilooni darada looga abuurayo dalka itoobiya iyo gobolka Geeska Afrika.

Dowladda Masar ayaan ka jawaabin eedaha ay u soo jeediyeen sarkiishan ee lagu daaabacay wakaalada anadole.