Dowladda Soomaaliya oo Amar dul-dhigtay Hay’adaha ka howlgalla dalka

13

Wasiir qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay hay’addaha ka shaqeeyaa gudaha dalka ay sanadkii tagay kala hishiiyeen inay isticmaalaan bankiga dalka lana rabo hada in lagula xisaabtamo dhaqan galinta hishiiskaasi  sidoo kale lagu adkeeyo sida Soomaalida loogu xoojiyo inay isticmaalaan bankigayada dalka.

“Waa in lala xisaabtamaa Hay’addaha ka shaqeeya dalka halka ay mariyaan lacaga dalka ay soo galiyeen horeyna waan kala hishiinay sidaa dareedeed waa inaan xoojinaa dhaqan galinta hishiisyada”

Wasiir Jamaal waxa uu sheegay in kaliyada lacagaha dalka soo gali aysan laheyd Soomaaliyeed hase ahaatee ay jiraan hay’addo mashriic ka fuliya dalka sida lagu ogaaday lacag ka badan labo bilyan oo doolarka mareykanka ayaa soo gasha dalka sanadka kasta waana in la ogaado halka la mariyo iyo sida loo maareeyo .

“Lacago ka badana labo bilyan ayaa sanadkiiba soo gasha dalka marka waa in lala socdaa sida loo maareeyo iyo habraacyada loo maray iyadoo la dhaxmarinayo bankiga dalka ayuu yiri wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka waxaa kaloo sheegay hadii aan la xisaabin lacagahaan iyo waxyaabaha ku xeeran waxaa laga yaaba in dhaqaale badan uu ka maqnaado siistamka dowladda iyo shruucaha lagu hago dalka .

Mar hadii aan kun darno xisaabta inagoo ku dhaqeyno sharuucda dalka waxa ay suura galineysaa in maalgashiyaasha ay kusoo dhiiradaan dalka taasne ay suuragalineyso hormaro la taaban karo.

Wasiirka qorsheynta xukumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay diyaariyeen barnaamij lagula soconayo lacaga doolarka ee soo galo dalka halka lagu haayo iyo waxyaabaha lagu qabto.

“Waxaan Sameynay Bar lagula socdo lacagaha doolarka ee dalka la soo galiyom halka lagun isticmaalo iyo goobaha ay yaalaan waxaana ka mid tahay qorsha ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta sidoo kale qof kasto waxaa uu kala socon karaan Page-ka wasaaradda .