Askari dil ka geystay Baydhaba oo xukun adag lagu riday

18

Qeybta 60-aad ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay eedeysane Cismaan Ibraahim Cabdi oo ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya ee ka howlgala Baydhaba.

Askarigaas ayaa lagu eedeeyey inuu qof shacab ah ku dilay gudaha magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee qeybta 60-aad G/Sare Aadan Abuukar Maxamed oo ku dhawaaqay xakunka maxkamadda ayaa sheegay dil toogasho lagu xukumay Dable Cismaan Ibraahim, kadib markii sida uu sheegay ay ku cadaatay dilka uu geystey.

Dhanka kale Taliyaha qeybta booliska gobolka Bay G/Sare Aamiin Daruur oo digniin u diray ciidamada booliska Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay inay qorigooda ka digtoonaadaan, isla markaana ay ka fogaadaan daadinta dhiigga shacabka.