Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo dib ula wareegay Raage-Ceelle iyo wararkii u dambeeyey

16

Wararka aan ka heleyno deegaanka Raage-Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe oo xalay ay la wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay maanta dib ula wareegeen.

Habeen ka hor ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi oo 6-dii sano ee la soo dhaafay fariisimo ku lahaa deegaanka Raage-Ceelle ayaa isaga baxay, iyaga oo aan shaacin sababta, waxaana saacado kooban kadib deegaankaas gudaha u galay Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanka Raage-Ceelle, waxayna kula wareegeen si nabad ah, kadib markii ay isaga baxeen xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee xalay soo galay.

Xaalada deegaanka ayaa haatan degan, waxayna ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM duleedka iyo tuulooyinka u dhaw deegaankaas ka wadaan howlagallo ka dhan ah Al-Shabaab, sida ay KNN u sheegeen dad ku sugan deegaanka Raage-Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Al-Shabaab ayaa culeyskii ugu badnaa mudooyinkii dambe saaray deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobollada ay ka arrimiyaan maamullada HirShabeelle iyo Galmudug, waxayna madaxweynayaashii maamulladaas ku mashquuleen khilaafka ka taagan doorashada guud ee dalka.