Qarax lagu dilay masuuliyiin ka tirsan maamulka Garasbaaley oo ka dhacay duleedka Muqdisho

17

Sida ay MARKABLEY u sheegeen dadka deegaanka qarax miino ayaa waxaa lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasada  deegaanka Garasbaaley Cali Maxamed Jareere, kaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale  waxaa qaraxan lagu dilay guddoomiyihii ururka dhalinyarrada degmada oo lagu magacaabo Cabdirashiid Dubad, darwalkii guddoomiye ku-xigeenka iyo Askari ilaalo u ahaa oo la socday gaariga la weeraray.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan dad kale oo khasaarro dhimasho iyo dhaawacba leh uu qaraxan ka soo gaaray.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa isugu jiray dad saarnaa gaariga la bartilmameedsaday iyo kuwa kale wadada marayay sida sheegeen goob joogayaal ku sugnaa halka uu qaraxan ka dhacay oo ah agagaarka Warshadda Barafka Jidka 30-ka ee degaanka Garasbaaleey.