Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee oo xilkii laga qaaday & mid Cusub oo la Magacaabay

9

Wareegto ka soo baxday, Xafiiska Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Jubaland, balse la shaqeeya dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa waxaa xolka looga qaaday guddoomiyihii Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow, iyada oo Guddoomiye Cusub la Magacaabay.

Wareegtada ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Gedo loogu Magacaabay Axmed Buulle Gareed, waxana sababta xilka qaadista lagu sheegay, kadib markii uu gudan waayay Shaqadiisa.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed ayaa waxaa la faray in uu si wanaagsan u guto Shaqadiisa, waxana hay’adaha amniga la faray inay la shaqeeyaan guddoomiyaha  Cusub ee Gobolka Gedo.

Gobolka Gedo ayaa 11-kii Bilood ee la soo dhaafay waxaa ku muransan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, kadib markii dowladda Federaalka ay Ciidamo diyaarado ku geysay, isla markaana ay la wareegeen dhamaan degmooyinka gobolka Gedo marka laga reebo degmada Ceelwaaq.