Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo maanta gadood ka sameeyay Gelinsoor

40

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo markale gadooday ayaa isbaaro dhigtay Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud halkaa oo ay maanta  ku qaadayaan lacago ay kusoo rogeen gaadiidka maraya wadadaasi.

Ciidanka ayaa dhawaan tababar loogu soo xiray Xerada dhanka-roone, waxaana ayna  ku hubeesan yihiin  gawaarida dagaalka iyo hub culus.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Magaalada Galinsoor ay dhigteen labo jidgooye ama isbaaro, waxaana  lasoo werinayaa in ay diidayaan in gaadiidka ay mararaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaaladaasi.

Ciidanka ayaa  waxaa ay sheegen in musharaad koodii aysan helin, waxaana intaas ay ku dareen in Magaaladu u kala xirnaa doonto, tan iyo inta laga siinaayo mushaarkooda oo ka maqan muddo lix bilood ah.