Shantii qof ee dhawaan laga afduubtay Maxaas oo madax furasho lagu sii daayay

15

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inย  maanta la sii daayayย  gaariย  Sida Shan qof oo dhawaan lagu afduubtay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wadahadal ay galeen odayaasha dhaqanka, islamarkaana taasi waxaa ay keentay la sii daayo ย dadkaan waxaana la sheegay in markii horaba loo heestay arrimo la xiriiro aano qabiil.

Gaariga ay saarnaayeen dad shacab ayaa la sheegay inuu ka ambabaxay magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud, islamarkaana uu ku sii jeediyay degmada Maxaas, iyadoona wadada ay u galeen maleeshiyaad hubeysan

Gobolka Hiiraan ayaa inta waxaa ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil.