Itoobiya oo shaacisay in ay qabatay saraakiil ka tirsan TPLF

13

Dowladda Itoobiya tan iyo markii ay soo afjartay dagaalkii gobolka Waqooyiga ay kula gashay xoogagga Tigrayga, waxaa ay ku raad joogta sidii ay gacanta ugu soo dhiggi laheyd saraakiisha sar sare ee TPLF ee ku lugta lahaa qalalaasaha.

Madaxa howlgelinta Ciidanka Itoobiya Brig. General Tesfaye Aylwe  ayaa warbaahinta u sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qab qabtay xubno dhowr ah oo muhiim u ahaa TPLF, waxaana ka mid ah dadka la qabtay  Madaxweynihii hore ee deegaanka Tigray Abay Woldu, Dr. Abraham Takese oo sidoo kale ahaa Madaxweyne kuxigeenkii hore.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay guulweyn ka gaartay soo afjarida dagaalkan wixii hadda ka danbeeyana uu sii socon doono howlgalka lagu qabqabanayo saraakiishii xudunta u ahaa.

Dadka ay dowladda Itoobiya sheegtay in gacanta lagu dhiggay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Getachew Tafara oo ahaa madaxii xafiiska madaxweynaha ee Amniga deegaannada Tigrayga.

Magaalada Mekella ee xarunta u ah gobolkan ayeey dhawaan ciidamadu la wareegeen hasse ahaatee waxaa jira halkaa xaalado iyo daruufo dhinaca nolasha ah oo soo food saaray dadka rayidka ah.