Axmed Madoobe oo ka hadlay doorashada farriina u diray Farmaayo iyo Qoor Qoor

17

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay arrimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan ayaa shaaciyey inuu diyaar u yahay in dalka laga billaabo doorasho aan waqtigii lagu heshiiyey dib uga dhicin.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad lagu xusaayey sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay markii Saciid Deni loo doortay madaxweynaha Puntland oo xalay ka dhacday magaalada Garowe.

“Gobolka Gedo arrintiisa khilaafka ka taagan madaxweynow adiga ayeysan sharaf kuu aheyn, yeysan kugu dhicin suuro ah in madaxweynaha uu is xijisiinayo gobolkaas oo dan gaar uu ku leeyahay, waa mid saameyn ku yeelaneysa dowladnimadaada iyo madaxtinimadaada” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isaga oo arrinta gobolka Gedo ka sii hadlaayey madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu yiri, “Haddii arrintaada gobol ku koobnaato waxaa kugu adkaaneysa in aad gobollada kale xukunto, haddii caqabado jiraan waa wax u baahan in laga wadahadlo oo la isu yimaado.”

Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe ayaa madaxweynaha Galmudug ka dalbaday inuu soo bandhigo arrimo ay uu sheegay inay ka wadahadleen, intii uu ku sugnaa Garowe.

“Saaxiibkey Qoor Qoor waxaan leeyahay waxaan isu sheegnay kor u sheeg, warka hoose meesha haka baxo, oo warar la isla dhex wareegayo ee laga hadlayo kuraas kuwa Gedo yaalla iyo kuwa halkaas yaalla, kuraasta waxaa is ka leh qabaa’il xildhibaan u sharaxan, guddi ayey leeyihiin, nidaam loo maraa jir” ayuu yiri Axmed Madoobe.