Cabadi Rashiid Xasan Nuur Janan wasiirka Amniga ee maamulka Jubbaland oo warbaahinta kula hadlaayay duleedka degmada Beledxaawo ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu dhibaatada ka daayo shacabka ku nool gobolka Gedo.
Wasiir Janaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay degmooyinka gobolka Gedo ay diyaarado ku geyntay ciidamo ay sheegtay in ay yihiin kuwo la dagaallamaya Kenya, balse talaabada ay qaaday
Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha in uu iscasilo, oo uu qaato talooyinka uga imaanaya bulshada Soomaaliyeed si uusan dalku u burburin.
Hadalka wasiir Janan ayaa imaanaya xili dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan ay dhawaan geysay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.