Mareykanka oo sheegay in ay duqeyn ka fuliyeen Jubbada Dhexe

30

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa looga hadlay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay ka fuliyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Taliska ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, halka mid kalana ay ku dhaawaceen.

Qoraalka  Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay  qiimeyn ku sameyn doonaan  in khasaaraha  ay dadka rayidka ah ka soo gaareen  duqeyntaasi iyo in kale.

“Waxaan qiimeyneynaa in ay khasaaro  ka soo gaartay dadka rayid ah, duqeyntan oo sababtay in argagaxisada ay baqaan, islamarkaana ay cararaan.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Taliska africom ayaa sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono weerarada dhinaca cirka ee lagu kala beegsanayo dagaalameyaasha Al-shabaab ee  ku sagan qeybo ka mid ah dalka.