Itoobiya oo kala xulaneysa dekaddaha dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti

7

Itoobiya oo kamid ah dalalka aan laheyd dekadaha  ayaa ku howlan kala xulashada dekad ay uga soo degaan waxyaabaha looga soo dhoofiyo dunida inteeda kale.

Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay dariska dhaw la tahay Itoobiya, islamarkaana leh dekadaha ayaa tartan ugu jira sidii uu mid kasta u heli lahaa suuqyada Itoobiya.

Dekedda Jabuuti oo ah marinka ugu weyn ee Itoobiya wax uga soo dagaan, ayaa waxaa Xukuumadda Addis Ababa ay dooneysaa inay u bedelato dekada Berbera ee Soomaalind, taasi oo la filayo in lagu bilaabo dib u habayn ballaaran bisha Maarso ee sanadka soo aadan ee 2021.

Sannadkii 2016-kii, Soomaaliland waxay heshiis 30-sano ah la gashay shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World, , si ay u maamusho una ballaadhiso dekedda Berbera.

Heshiiska wadajirka ah ee Berbera wuxuu u dhexeeyaa Soomaaliland oo leh 30% (Soddon Boqolkiiba) shirkadda uu heshiiska kala dhexeeyo ee DP World oo leh 51% (Konton iyo Koow Boqolkiiba ) iyo dalka Itoobiya oo heshiiska qayb ka ah oo leh 19% (Sagaal iyo Toban Boqolkiiba).