Wafdi ka socda dowladda Malaawi oo gaaray Hargeysa

17

Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Malaawi Eisenhower Mkaka, ayaa hadda gaaray magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana garoonka diyaaradaha Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Wafdiga wasiirka oo warbaahinta madaxa-bannaan loo diiday in ay duubtaan ayaa loo qaaday dhinaca xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u cadeysay in dalkii toos ula macaamila Somaliland ay u aqoosan doonto mid ku xadgudbaya madax-banaanida iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay tallabada ugu haboon ka qaada doonto.

Dhawaan dowladda Kenya oo markii horeba xariir kago badan aan ku taagneyn uu kala dhaxeeyey ayey dowladda Soomaaliya xiriirka u jartay, waxaana marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Guinea, kadib markii ay casuumaad rasmi ah dalkeeda ugu fidisay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, balse markii horeba xiriir muuqda ma laheyn Soomaaliya iyo Guinea