Wadahadallo lagu qaboojinayo xiisadda Baydhabo oo billowday

0

Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, xilli magaalada ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo amni, iyadoo dhinacyada isku haya ay isku diyaarinayaan tallaabooyin cusub.

Wafdiga ayaa magaalada Baydhabo u tegay dadaallo lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda iyo in la xoojiyo wada-hadalka siyaasadeed, iyadoo dhawaan la filayo in magaalada uu ka furmo gogol dib-u-heshiisiin ah oo ay ka qeyb qaataan siyaasiyiin iyo dhinacyo kala duwan.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminayay Maxamed Mursal, Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed, dowlad-dhiska, wada-tashiga siyaasadeed iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada.

Kulanka u dhexeeyay Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga Maxamed Mursal ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda wada-hadalka iyo in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, is-qaddarin iyo heshiis siyaasadeed.

Labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda dalka iyo tan Koonfur Galbeed, iyadoo xoogga la saaray abuurista jawi horseedi kara xasillooni siyaasadeed, nabad waarta iyo dowlad-dhis loo dhan yahay.

Booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay ku sugan yihiin duleedka Baydhabo, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo sii socoshada dagaalada kusoo laalaabtay magaalada Baydhabo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay wafdiga Maxamed Mursal booqashadooda Baydhabo iyo ka qeybgalka dadaallada dib-u-heshiisiinta. Waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay doorka ay madaxda Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, waxgaradka, culimada iyo qeybaha bulshada ka qaadanayaan dejinta xiisadda iyo xoojinta wada-tashiga.

Booqashada wafdiga ayaa qeyb ka ah dadaallada siyaasadeed ee lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda Baydhabo, iyadoo indhaha lagu hayo gogosha dib-u-heshiisiinta ee la filayo inay magaalada ka furanto iyo inay horseedi karto wadahadal u dhexeeya dhinacyada isku haya khilaafka siyaasadeed.