Dagaal ka socda xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee G/Banaadir

202

Dagaal geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo illaa hadda socda, sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka, waxaana kala hoggaaminaya laba sarkaal oo ka tirsan militeriga Soomaaliya, sida ay noo sheegeen dadka ku nool xaafadda lagu dagaalamayo.

Dagaalka ayaa ka socda xaafadda Mirinaayo ee degmada Kaaraan, waxaana la sheegay in dhinacyada dagaalamaya ay kala hoggaaminayaan laba sarkaal oo lagu kala magacaabo Abuukar Boolle iyo Cismaan Xadoole, sida ay KNN u sheegen ilo xog ogaal ah.

Markii aan arrintan wax ka weydiinay maamulka degmada Kaaraan waxay noo sheegeen in saraakiisha kala hoggaamineisa ciidanka dagaalamaya ay isku heystaan dhul ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee degmada Kaaraan.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan, iyadoo warar hor dhac ah ay sheegayaan inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dadka shacabka ah ee ku nool xaafadda Mirinaayo.