Dowladda Soomaaliya oo Janaayo 2027 bilaabaysa bixinta baasaboorka elektaroonigga ah ee Bulshada Bariga Afrika

0

Dowladda Soomaaliya ayaa dhammaystirtay diyaarinta baasaboorka elektaroonigga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo la qorsheeyay in si rasmi ah loo bilaabo bixintiisa bisha Janaayo ee sannadka 2027-ka, sida lagu sheegay war ka soo baxay ururka goboleedka.

Hirgelinta baasaboorkan ayaa la filayaa inay fududeyso isu-socodka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dadka u safraya arrimaha ganacsiga, shaqada iyo fursadaha kale ee dhaqaale.

Sidoo kale, wuxuu qeyb ka qaadan doonaa waafajinta nidaamyada socdaalka iyo aqoonsiga Soomaaliya iyo halbeegyada Bulshada Bariga Afrika, xoojinta amniga xuduudaha iyo hagaajinta maamulka socdaalka.

Dalalka Burundi, Kenya, Rwanda, Uganda iyo Tanzania ayaa horey u hirgeliyay baasaboorka elektaroonigga ah ee EAC, halka Koonfurta Suudaan ay sheegtay inay horumar ka sameysay diyaarintiisa, kaddib markii ay heshiiska aasaaska ururka ku dartay shuruucdeeda gudaha.

Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa tallaabadan ku tilmaamay horumar muhiim ah oo Soomaaliya u horseedaya isdhexgal buuxa oo ay la yeelato dalalka xubnaha ka ah ururka.