Midowga Afrika oo diiday faragelin kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya Share Facebook Messenger Twitter

0

Midowga Afrika (AU) ayaa si cad u diiday faragelin kasta oo shisheeye oo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Soomaaliya, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kaas oo salka ku haya eedeymo ay Soomaaliya u jeedisay Imaaraadka Carabta oo la xiriira faragelin lagu sameynayo arrimaheeda gudaha.

War-saxaafadeed uu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu cambaareeyay tallaabo kasta oo cid kasta ay qaaddo, taas oo wax u dhimaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Ururka ayaa sidoo kale muujiyay garab-istaaggiisa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay inuu taageersan yahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, amni, xasillooni iyo horumar. Waxa uu mar kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay qorshaha kala-guurka ee ay si wadajir ah u diyaariyeen Midowga Afrika iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in si tartiib-tartiib ah loo dhimo joogitaanka ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, laga bilaabo bisha Nofeembar 2026 illaa wixii ka dambeeya sannadka 2027.

Ururka ayaa taageeray hirgelinta qorshahaas inta lagu jiro bilaha Nofeembar iyo Diseembar 2026 iyo sannadka 2027 oo dhan.

Mowqifka Midowga Afrika ayaa soo baxay xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay Abu Dhabi ku eedeysay ku xadgudubka madax-bannaanideeda iyo faragelin lagu sameynayo arrimaheeda gudaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa Jimcihii hore sheegtay inaysan oggolaan doonin in dhulkeeda, dekedaheeda iyo hawadeeda loo adeegsado hurinta colaadaha ka socda Yemen, Suudaan ama dal kale.

Tallaabadan ayaa daba socotay go’aanno ay Muqdisho horraantii sannadkan ku burisay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka, isla markaana ay hawadeeda uga mamnuucday diyaaradaha milatariga iyo kuwa xamuulka ee Imaaraadka.