Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, ayaa mar kale soo bandhigay mowqifka dalalka Shiinaha iyo Jabuuti ee ka dhanka ah aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in labada waddan ay taageerayaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay diidan yihiin dedaallada Somaliland ku raadinayso aqoonsi diblomaasiyadeed.
Wang Yu ayaa hadalkiisa ku soo qaatay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Jabuuti, kaddib kulan 21-kii Oktoobar 2026 magaalada Beijing ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, iyo dhiggiisa Jabuuti, Cabdiqaadir Xuseen Cumar.
Bayaanka labada dal ayaa lagu sheegay inay si adag u taageerayaan Soomaaliya, ilaalinta madax-bannaanideeda iyo wadajirka dhuleedkeeda, isla markaana ay ka soo horjeedaan isku day kasta oo lagu doonayo in Somaliland lagu siiyo aqoonsi diblomaasiyadeed. Waxa kale oo ay ku adkaysteen in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay ku qeexeen bayaanka.
Safiirka ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, isaga oo sheegay inay ka soo horjeedaan nooc kasta oo iskaashi ama xidhiidh rasmi ah oo dhex mara Somaliland iyo Taiwan. Mowqifkan ayaa la xidhiidha siyaasadda Shiinaha ee loo yaqaan Siyaasada Shiinaha Midka ah, taas oo Beijing ku adkaysato in Taiwan ay qayb ka tahay dhulkeeda.
Mowqifka Shiinaha iyo Jabuuti ayaa imanaya xilli Somaliland ay sii waddo dedaalladeeda ku aaddan ballaadhinta xidhiidhkeeda caalamiga ah, gaar ahaan xidhiidhka ay la leedahay Taiwan oo ay sannadkii 2020 ka samaysteen xafiisyo wakiillo oo labada dhinac ah. Xidhiidhkaas ayaa muddooyinkii dambe qayb ka ahaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Shiinaha.
Sidoo kale, bayaanka labada dal ayaa soo baxay kaddib markii Israa’iil ay 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, taas oo noqotay tallaabo taariikhi ah oo dhalisay falcelinno kala duwan oo caalami ah, gaar ahaan diidmooyin ka yimid dawladda Soomaaliya iyo dalal kale oo gobolka iyo caalamka ah.
Dhanka kale, kulanka Beijing lagaga soo saaray bayaanka ayaa lagaga hadlay xaaladda amni ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo labada waddan ay muujiyeen walaac ku saabsan khataraha sii kordhaya ee amniga marin-biyoodka muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo xaqa maraakiibta ganacsigu u leeyihiin inay si xor ah ugu kala gooshaan marin-biyoodkaas.
Mowqifka cusub ee Shiinaha iyo Jabuuti ayaa ku soo biiraya doodda diblomaasiyadeed ee ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland iyo dedaallada ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah.











