Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, isaga oo dadka gobolka ugu baaqay inay iska caabiyaan soogalootiga Soomaalida, isla markaana ballanqaaday in dowladda federaalku ay caawin doonto haddii loo baahdo.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku sheegay in gobolka Minnesota, oo uu ku tilmaamay mid hore u wanaagsanaa, ay saameyn ku yeesheen soogalootiga Soomaalida. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay inay gobolka ka jiraan rabshado, dilal iyo fowdo, isaga oo aan qoraalkiisa ku soo bandhigin caddeymo taageeraya eedeymahaas guud.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale dhaliilay guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz, isaga oo ku eedeeyay inuu ku guuldarreystay wax ka qabashada arrimaha uu soo hadal qaaday.
“Dadka Minnesota waa inay iska caabiyaan. Haddii aad u baahataan, dowladda federaalku way idiin iman doontaa si ay idiin caawiso,” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa.
Weerarkan cusub ayaa kusoo aadaya iyadoo Trump uu marar kala duwan hadallo adag u jeediyay Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Minnesota, oo hoy u ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ugu weyn dalkaas.
Trump ayaa hore Soomaalida ugu adeegsaday erayo meel-ka-dhac ah, isaga oo sidoo kale dhaliilay xaaladda Soomaaliya iyo dowladnimadeeda. Hadalladiisa ayaa marar badan dhaliyay dood iyo cambaareyn la xiriirta sida uu ula hadlayo muwaadiniinta iyo dadka asal ahaan Soomaalida ka soo jeeda ee ku nool Mareykanka.
Sidoo kale, Trump ayaa dhowr jeer hadalladiisa ku soo hadal qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo asal ahaan Soomaali ah, kana tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Hadalka cusub ee Trump ayaa mar kale soo nooleynaya doodda ku saabsan hadallada ka dhanka ah soogalootiga iyo saameynta ay ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ku nool.











