Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa si buuxda maamulka Jubbaland ugu wareejiyay ciidamadii uu ku lahaa degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaddib wadahadallo maalmo qaatay oo dhexmaray isaga iyo saraakiil ka socotay maamulka Jubbaland.
Janan ayaa saaka diyaarad milatari oo ay leedahay Kenya kaga duulay magaalada Mandheera, isaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi, kaddib markii la dhammaystiray qorshaha wareejinta ciidamadii uu hoggaaminayay ee ku sugnaa Beledxaawo ay inoo xaqiijiyeen ilo dadka degaanka ah.
Saraakiil u badan ciidamada sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada ka amar qaata Cabdirashiid Janan. Ciidamadaasi ayaa horay loogu diiwaangeliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya xilligii uu Janan ahaa taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo.
Muqaalo loo adeegsaday baraha Bulshada ayaa muujinayay shacab farabadan oo soo dhoweenayay Ciidamada.
Tallaabadan ayaa ka dhigan in maamulka Jubbaland uu, sannad iyo dhowr bilood kaddib, si buuxda ula wareegay degmada Beledxaawo, iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin goobaha lagu kala wareegay, isla markaana xiisaddii muddada ka taagnayd deegaanka lagu soo afjaray wadahadal.
Dhanka kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan uu magaalada Nairobi kula kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, si loo dhammaystiro heshiiska hordhaca ah ee ay labada dhinac gaareen.
Ilaa hadda, faahfaahinta heshiiska iyo qodobbada rasmiga ah ee lagu heshiiyay si buuxda looma shaacin.











