KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

0

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee magaalada Baydhabo.

Go’aanka ayaa lagu sheegay in aan magaalada Baydhabo lagu soo gelin karin, laguna ganacsan karin qaad aan haysan oggolaansho sharci ah, iyadoo maamulka uu digniin u diray dadka ku howlan soo gelinta iyo iibinta qaadka noocaas ah.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo qaadka sharci-darrada ah iyo ganacsiyada aan waafaqsaneyn xeerarka maamulka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale uga digay ganacsatada iyo dadka kale ee ku howlan arrintan inay ka fogaadaan jebinta go’aanka, iyadoo tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ka shaqeyneyso soo gelinta ama ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo.