Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo geysay saraakiil iyo ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya xoojinta amniga magaalada, xilli ay kordheen dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay sameynayaan ciidamada taabacsan madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.
Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdixakiin Ceeldheer, ayaa gaaray magaalada Baydhabo, iyadoo safarkiisa lagu sheegay inuu la xiriira yahay xoojinta iyo sugidda amniga magaalada.
Ciidamada iyo saraakiisha dowladda dhexe ee la geeyay Baydhabo ayaa la filayaa inay ka qeyb qaataan sugidda xarumaha muhiimka ah iyo xoojinta amniga magaalada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dooneyso in laga hortago wax kasta oo sababi kara isku dhac ama qalalaase amni.
Dhinaca kale, ciidamada taabacsan Laftagareen ayaa weli wada dhaq-dhaqaaqyo milatari oo ka socda agagaarka Baydhabo, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladda magaalada ay isu beddesho iska horimaad hubeysan.
Ilaa iyo hadda lama shaacin tirada rasmiga ah ee ciidamada dowladda ee Baydhabo la geeyay, sidoo kalena ma cadda muddada ay magaalada ku sugnaan doonaan ciidamadan.
Baydhabo ayaa maalmahan noqotay goob ay si weyn isha ugu hayaan dowladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo dhinacyada siyaasadda ee dalka, iyadoo xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee magaalada ay weli tahay mid xasaasi ah.











