Puntland oo ku eedeysay dalal shisheeye inay marmarsiiyo ka dhiganayaan burcad-badeedda si ay uga faa’iidaystaan kheyraadka badda

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku eedeeyay dalal shisheeye inay arrinta burcad-badeedda Soomaaliyeed u adeegsanayaan marmarsiiyo ay ciidamo uga soo daabulaan xeebaha Puntland, isla markaana ay uga faa’iidaystaan kheyraadka badda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin in la adeegsado la-dagaallanka burcad-badeedda si loo sharciyeeyo joogitaanka ciidamo shisheeye oo ka howlgala biyaha Soomaaliya.

“Waxaa naloo sheegayaa in Puntland ay ku fashilantay la-dagaallanka burcad-badeedda, kadibna ciidamo shisheeye ayaa xeebaha loo keenayaa si ay kheyraadkeenna u qaataan,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in dad rayid ah lagu dilo howlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda, isagoo ku adkeystay in maamulkiisu awood u leeyahay inuu wax ka qabto burcad-badeedda isaga oo aan u baahnayn faragelin militari oo shisheeye.

Deni wuxuu xusay howlgallo hore oo ay ciidamada shisheeye ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya, isagoo sheegay in muddadii ay ciidamada caalamiga ah howlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda ka wadeen xeebaha dalka ay yaraadeen kheyraadka badda.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland iyo beesha caalamka inay taageeraan dadaallada lagu xakameynayo burcad-badeedda, balse wuxuu ka digay in arrintaas loo adeegsado cudurdaar lagu farageliyo Puntland ama lagu faa’iidaysto kheyraadkeeda dabiiciga ah.

Hadalka Deni ayaa ku soo beegmaya maalmo kaddib markii Dowladda Soomaaliy ay sheegtay iyadoo kaashanaysay dowladda Turkiga in xoog lagu soo furtay markabka Latuf oo lagu haystay xeebaha Puntlad, inkastoo Puntland ay sheegtay in laga bixiyay lacago madax furasho oo la siiyay burcad badeedda.