Soomaaliya oo sheegtay in ay Maraykanka kula jirto wadahadalo lagu xoojinayo midnimadeeda

2

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Soomaaliya ay si joogto ah ula yeelato Maraykanka wada-hadalo ku saabsan madax-bannaanideeda, amniga iyo xidhiidhka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Cali Balcad oo waraysi siiyay Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhab ah u qaadato dood kasta oo la xidhiidha suuragalnimada in Maraykanku beddelo siyaasaddiisa ku aaddan Somaliland.

Waxa uu qiray in qaar ka mid ah xubnaha Kongareeska Maraykanka ay ku baaqayaan in wax laga beddelo siyaasadda Washington ee ku wajahan Somaliland, hase yeeshee waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la kala saaro olole siyaasadeed iyo wararka warbaahinta iyo siyaasadda rasmiga ah ee dowladda Maraykanka.

“Waa inaan kala saarno u doodista siyaasadeed iyo mala-awaalka warbaahinta, iyo siyaasadda rasmiga ah ee Maraykanka,” ayuu yidhi Cali Balcad, isaga oo tilmaamay wax uu ku sheegay taageero cad oo maamulka Madaxweyne Donald Trump u hayo Soomaaliya midaysan.

Wasiiru-dawluhu waxa uu sidoo kale sheegay in Maraykanku weli aqoonsan yahay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wadajirka dhuleed ee dalka, oo ay Somaliland ku jirto.
Cali Balcad ayaa xusay in Soomaaliya ay Maraykanka u leedahay muhiimad istiraatiiji ah, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, amniga badda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Waxa uu ku dooday in danaha istiraatiijiga ah ee Maraykanka ay si wanaagsan ugu adeegayaan Soomaaliya oo ah dal xasilloon oo midaysan, halkii ay ka ahaan lahayd in la dhiirrigeliyo kala qaybsanaan dheeraad ah oo ka dhacda gobolka Geeska Afrika oo uu ku tilmaamay mid horeba u nugul.

Hadallada Cali Balcad ayaa imanaya xilli doodda ku saabsan mustaqbalka Somaliland iyo siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika ay sii xoogaysanayso, iyadoo xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka ay muddooyinkii u dambeeyay soo jeedinayeen in Washington dib u eegto siyaasaddeeda ku aaddan Somaliland.