Musharraxa hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee la xiriira baabi’inta natiijada doorashadii ka dhacday Galmudug 30-kii Luulyo.
Liibaan Axmed Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in maadaama ururkii uu ka tirsanaa ee JSP uu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare, isaga iyo dhinacyada kale ay sidoo kale aqbalayaan natiijada iyo go’aanka maxkamadda.
Wuxuu shacabka reer Galmudug ugu baaqay inay ixtiraamaan oo aqbalaan go’aanka Maxkamadda Sare, isagoo xusay in doorashadii hore ay shacabka si weyn uga qaybgaleen, isla markaana ay muujiyeen rabitaankooda ku aaddan gudashada xaqooda dastuuriga ah.
“Waxaan ka codsanayaa shacabka reer Galmudug ee codkooda na siiyay, ee waqtiga iyo duruufaha adag nagu siiyay, inay nala aqbalaan natiijada iyo go’aanka maxkamadda,” ayuu yiri Liibaan.
Musharraxa ayaa sidoo kale shacabka Galmudug ka codsaday inay mar kale si ballaaran uga qaybgalaan hannaanka doorashada, isagoo ugu baaqay inay muujiyaan dulqaad inta lagu guda jiro geeddi-socodka doorashada.
Liibaan Axmed Xasan ayaa ballanqaaday in haddii shacabka ay mar kale codkooda siiyaan uu ugu abaalgudi doono adeeg hufan iyo waxqabad la taaban karo oo saameynaya qoysaska, dadka iyo guud ahaan bulshada Galmudug.
Ugu dambeyn, Liibaan ayaa ku baaqay in muwaadiniinta reer Galmudug loo ilaaliyo xaqooda dastuuriga ah, ayna helaan fursad ay si xor iyo xalaal ah ugu doortaan qofka ay rabaan, isagoo sheegay inuu doonayo in doorashada Galmudug ay ku dhacdo si nabad iyo hufnaan leh.
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug, oo dhacay 30-kii Luulyo 2026, aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.











