Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Muungaab, ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka dhalatay burburinta iyo duminta dhulalka iyo guryaha ku yaalla qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho.
Muungaab ayaa sheegay in qeylada maanta laga maqlayo arrintan ay horay u jireen, isagoo tilmaamay in aan bulshada lagu amrin in laga fogaado ama aan loo tagin deegaanada ay ka mid yihiin Tookiyo, Buulo Axmed Cabdalle, Oobasiib iyo xaafadaha isku-raranka ah.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli walaac xooggan laga muujinayo burburinta dhulalka iyo guryaha ku yaalla Muqdisho, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabanayaan saameynta ka dhalan karta tallaabooyinka la qaadayo.
Guddoomiye Muungaab ayaa hadalkiisa ku muujiyay in arrinta dhulalka iyo burburinta guryaha ay u baahan tahay in si dhab ah looga hadlo, iyadoo la tixgelinayo xaaladda dadka ku nool goobaha ay saameynayaan howlaha socda.











