Maamulka Banaadir oo culimada kala tashaday cabashada dhulka ee Muqdisho

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo hoggaanka Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saaray cabashooyinka la xiriira dhulka iyo tallaabooyinka dowladda ee dib-u-habeynta dhulalka danta guud.

Kulanka oo uu guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa lagu falanqeeyay sida loo maareyn karo dhulalka danta guud iyo goobaha loo yaqaan Obasiiboyinka, iyadoo la isku dayayo in xal loo helo cabashooyinka ka imaanaya shacabka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ilaalinta milkiyadda gaarka loo leeyahay ay tahay arrin mudnaan gaar ah leh, isla markaana aan la oggolaan doonin in lagu xadgudbo dhul ay si sharci ah u leeyihiin muwaadiniintu.

Dhankooda, Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda ay xaq sharci ah u leedahay maamulidda, bixinta iyo dib-u-qaabaynta dhulka danta guud iyo Obasiiboyinka, balse ay tahay in arrimahaasi loo sameeyo si waafaqsan maslaxadda guud, iyadoo sidoo kale la tixgelinayo dadka danyarta ah.

Maamulka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay dhageysiga cabashooyinka muwaadiniinta iyo xalinta khilaafaadka dhulka, iyadoo arrimahaasi ay u xilsaaran yihiin guddiyo maamul iyo guddiyo ay qayb ka yihiin culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday in la joogteeyo wada-tashiga iyo iskaashiga u dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo Culimada Soomaaliyeed, iyadoo lagu saleeyo wada-shaqeynta danta dadka, dalka iyo diinta.