Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug, oo dhacay 30-kii Luulyo 2026, aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.
Go’aanka oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashi Yuusuf Axmed, ayaa lagu sheegay in habkii loo maamulay loona qabtay doorashooyinka uu ka leexday mabaadi’da dastuuriga ah ee doorasho xor, xalaal iyo caddaalad ah.
Maxkamaddu waxay sheegtay in khaladaadkii dhacay intii ay socotay doorashadu aysan ahayn kuwo la iska indho-tiri karo, balse ay si weyn u dhaawaceen hufnaanta, xornimada iyo xalaalnimada doorashada, isla markaana ay saameyn ku yeesheen natiijooyinkii kasoo baxay.
Maxkamadda Sare ayaa sidaas darteed burisay natiijooyinka doorashadii 30-kii Luulyo, waxayna Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ku amartay inuu qabto doorashooyin cusub oo Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug ah.
Maxkamaddu waxay tilmaantay in doorashooyinka cusub lagu qabto waqtiga ugu dhow ee macquulka ah, iyadoo si buuxda loo raacayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, Sharciga Doorashooyinka, Sharciga Dhismaha Guddiga iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda.
Si looga fogaado firaaq maamul oo saameyn ku yeelan kara adeegyada bulshada iyo xasilloonida Galmudug, Maxkamaddu waxay go’aamisay in hay’adaha hadda jira ay sii hayaan xilalkooda ilaa laga soo doorto hay’ado cusub oo ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.
Maxkamaddu waxay sheegtay in arrintan loo tixgeliyey danta guud, joogtaynta maamulka iyo baahida loo qabo in laga hortago xaalad maamul la’aan ah.
Dhanka kharashaadka dacwadda, Maxkamaddu waxay go’aamisay in dhinac kasta uu iska bixiyo kharashaadka uu ku galay dacwadda, iyadoo tixgelinaysa danta guud iyo duruufaha dacwadda doorasho ee hortaallay.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii Xisbiga Towfiiq iyo axsaab kale oo doorashada ka qeyb gashay ay sheegeen inay natiijadii soo baxday ahayn kuwii la sugaayay waxayna ku tilmaameen mid aan sharuucda waafaqsaneen.











