Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre: Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu galay marxalad cusub oo ku salaysan dheef wadaag

2

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu galay marxalad cusub oo ku salaysan iskaashi, dheef wadaag iyo barwaaqo wadaag, isagoo xusay in Ankara ay Soomaaliya garab istaagtay muddo 15 sano ah, xilliyo ay dalka ka jireen xaalado bani’aadamnimo, amni iyo dhaqaale oo adag.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay 15 sano guuradii xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo sheegay in xiriirka labada dal uu ka soo gudbay garab istaag bani’aadamnimo una gudbay iskaashi istiraatiiji ah oo dhinacyo badan taabanaya.

Wuxuu sheegay in booqashadii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu Muqdisho ku yimid 2011, xilli Soomaaliya ay wajahaysay abaaro, macluul iyo amni-darro, ay furtay bog cusub oo ku saabsan xiriirka labada dal.

“Booqashadaas waxay xambaarsanayd farriin cad oo ahayd in Soomaaliya aan la illoobi karin, shacabka Soomaaliyeedna aysan kelidood ahayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Wuxuu sheegay in 15-kii sano ee la soo dhaafay Turkigu uu Soomaaliya ka taageeray dhinacyada bani’aadamnimo, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo maalgashiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in kumannaan arday Soomaaliyeed ay wax ku barteen Turkiga, kuwaas oo markii dambe dalka ugu soo laabtay xirfadlayaal ka shaqeeya dhinacyo kala duwan.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay maanta ka duwan tahay sidii ay ahayd 2011, isagoo tilmaamay horumarka laga sameeyay amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda.

“Soomaaliya 2026 ma aha Soomaaliya 2011. Waxaan soo marnay waddo adag, waxaan soo qaadnay jid dheer,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay dhammaystirtay geeddi-socodka deyn-cafinta, ku biirtay Bulshada Bariga Afrika, ka gudubtay cunaqabateyntii hubka, isla markaana loo doortay xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hiigsanayso marxalad cusub oo ku salaysan horumar waara iyo isku-filnaansho, isagoo tilmaamay in iskaashiga mustaqbalka ee Soomaaliya iyo Turkiga uu xoogga saari doono “dheef wadaag iyo barwaaqo wadaag”.