Shariif Sheekh Axmed: Dagaalka Baydhabo waa natiijadii ka dhalatay xukunkii Koonfur Galbeed ee xoogga lagu beddelay

1

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya dusha ka saaray mas’uuliyadda dagaalkiii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in colaadda ay tahay natiijada ka dhalatay xukunkii Koonfur Galbeed ee xoogga lagu beddelay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Baydhabo ay yihiin arrin nasiib-darro ah oo ay tahay in cid kasta oo damiir leh ay cambaareyso, isagoo ku baaqay in dhinacyada isku haya magaalada ay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana dib loogu laabto miiska wada-hadalka.

Waxa uu sheegay in mowqifkiisa ku aaddan siyaasadda dowladda Federaalka ee Koonfur Galbeed uusan ahayn mid cusub, isaga oo xusay inuu hore uga soo horjeeday tallaabooyinkii lagu kordhiyay muddo-xileedyada madaxda dowlad-goboleedyada, oo uu ku jiray madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Shariif ayaa sidoo kale sheegay inuu ka soo horjeeday markii dowladda Federaalka ay awood adeegsatay si xilka looga qaado Laftagareen, loona dhiso hoggaan ay dowladda dhexe dooratay.

Isagoo si toos ah ula hadlayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu ugu baaqay inuu dib ugu laabto wada-hadalka, isagoo ka digay in haddii aan xal siyaasadeed la helin, xaaladdu ay dalka u horseedi karto kala fogaansho iyo burbur aan si fudud looga soo kaban karin.

Dagaalkii Baydhabo ayaa dhex maray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo xoogag daacad u ah Laftagareen, iyadoo magaalada Baydhabo ay gudaha u galeen ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, balse ay markii dambe ciidamada dowladda dib uga saareen.

Warbixinta laga soo xigtay dhacdadaas ayaa sheegaysa in ugu yaraan 30 qof lagu dilay dagaalka, kuwaas oo u badan labada dhinac.

Dowladda Federaalka ayaa kadib dagaalka soo bandhigtay meydad iyo dad ay sheegtay inay ka qabatay dhinacyadii ka soo horjeeday, iyadoo qaar kamid ah dadkaas ku tilmaantay xubno ka tirsan Al-Shabaab. Hase yeeshee, dowladda illaa hadda ma aysan soo bandhigin caddeyn madax-bannaan oo xaqiijinaysa sheegashadaas.