Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday Cabdirashiid Janan iyo maamulka Jubbaland ayaa maanta ka bilaabanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dhaqan-gelinta heshiiskii dhawaan dhexmaray Janan iyo Jubbaland, kaasoo looga gol lahaa in la soo afjaro khilaafkii siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeyay dhinacyada.
Wararka ayaa sheegaya in xubnahan diyaarad gaar ah looga qaadayo xero ku taalla agagaarka Beledxaawo, waxaana loo gudbinayaa magaalada Nairobi, halkaas oo lagu wado in lagu qabto kulamo muhiim ah oo lagu dhameystirayo qodobbada heshiiska.
Madax ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa haatan ku sugan Nairobi, waxaana la filayaa inay halkaasi kula kulmaan Janan iyo xubnaha la socda, si loo dhameystiro heshiiskii hore loo gaaray loona bilaabo dhaqan-gelintiisa.











