FESTU iyo Xoghayaha Guud ee AfCFTA oo ka wada hadlay doorka shaqaalaha ee isdhexgalka Afrika

1

Hoggaanka Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud Cumar Faaruuq Cusmaan, ayaa shalay Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Wamkele Mene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta heshiiska AfCFTA ee Soomaaliya iyo doorka shaqaalaha iyo ururradooda ay ka qaadan karaan isdhexgalka dhaqaale ee qaaradda. FESTU ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda abuurista shaqooyin hufan, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo xoojinta wadahadalka bulshada, si kobaca ganacsiga iyo maalgashigu faa’iido ugu yeesho shaqaalaha Soomaaliyeed.

FESTU ayaa sheegtay in hirgelinta AfCFTA ay tahay inay la socoto siyaasado dammaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha iyo fursado shaqo oo wanaagsan. Ururku wuxuu sidoo kale ku adkeystay in kobaca ganacsiga iyo maalgashiga uu noqdo mid loo dhan yahay, isla markaana si toos ah uga faa’iideysta bulshada iyo shaqaalaha.

Iyadoo tixraacaysa mowqifyada Ururweynaha Caalamiga ah ee Ururrada Shaqaalaha (ITUC) iyo ITUC-Africa, FESTU waxay sheegtay in shaqaalaha iyo ururradoodu ay yeeshaan cod muuqda oo wax-ku-ool ah marka la dejinayo siyaasadaha iyo qaab-dhismeedka lagu hirgelinayo AfCFTA.

Wamkele Mene ayaa soo dhaweeyay sii wadidda wada-shaqeynta lala leeyahay ururrada shaqaalaha, isagoo xusay muhiimadda iskaashi dhex mara dowladda, ganacsatada iyo ururrada shaqaalaha si loo gaaro koboc dhaqaale oo loo dhan yahay. Wadahadalka bulshada ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inuu muhiim u yahay in faa’iidooyinka isdhexgalka dhaqaale ay gaaraan qaybaha kala duwan ee bulshada.

FESTU ayaa sidoo kale bogaadisay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, dadaalka uu ku bixinayo hirgelinta AfCFTA, iyadoo sheegtay inuu xoogga saarayo isu keenista dowladda, ganacsatada iyo ururrada shaqaalaha. Ururku wuxuu sheegay in wada-shaqeyntaasi ay muhiim u tahay dhismaha dhaqaale loo dhan yahay iyo horumar waara oo Soomaaliya ka hirgala.