Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa si adag uga hadlay khilaafka u dhexeeya Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Kaah, isaga oo xisbiga ku eedeeyay inuu si toos ah uga hor yimid ciidamada Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo habeen iyo maalinba u taagan sugidda amniga iyo badbaadada shacabka.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in mucaaradnimadii Xisbiga Kaah ay ku soo ururtay hadallada ku saabsan dadka maatida ah iyo dadka geeriyooday. Waxa uu intaa ku daray in shacabka Somaliland ay sugayaan in xisbiga uu gaadho heer uu yidhaahdo Somaliland ma aha xaqiiqo jirta.
Batuun oo ka hadlayay kiiska Afhayeenka Xisbiga Kaah, Cabdirashiid Caydiid, oo dhawaan looga yeedhay Laanta Dambi-baadhista Booliiska. Ayaa sheegay in Afhayeenka loogu yeedhay si wax looga weydiiyo xog uu ka sheegay haweeney ku geeriyootay Isbitaalka Guud ee Hargeysa, balse uu diiday inuu u tago booliiska, si faahfaahin uu uga bixiyo warka uu sheegay.
Dhinaca kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland inay ka dhiidhiyaan waxa uu ku tilmaamay fashilka Xisbiga Kaah, isla markaana ay yidhaahdaan shaqadii la idiin doortay waad hadhay.
Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli Xisbiga Kaah iyo xukuumadda ay isku maandhaafsan yihiin arrimo la xidhiidha hadallo iyo mowqifyo uu xisbiga ka qaatay dhacdooyin gudaha Somaliland ka dhacay iyo safaarada Qudus, waxaana ugu dambaysay gabadhii ku dhimatay Isbitaalka Guud ee Hargaysa, oo uu xisbigu sheegay in ay daranyo u dhimatay.
Xukuumaddu waxay sheegtay in xogta uu faafiyay aanay sax ahayn, halka xisbiga Kaah uu doodayo in su’aalaha la xidhiidha adeegyada caafimaadka iyo dhacdadaas ay mudan yihiin in si cad looga jawaabo.











