Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa si rasmi ah uga baxay magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay, kaddib in ka badan 12 sano oo ay ku sugnaayeen magaalada, iyagoo door weyn ka qaatay sugidda amniga.
Taliska howlgalka AUSSOM ayaa sheegay in maamulka farsamada ee Saldhigga Hawlgalka Jiida Hore ee Buurhakaba (FOB) si rasmi ah loogu wareejiyay Qaybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobolka Bay.
AUSSOM ayaa sheegtay in wareejinta saldhigga ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga ay Soomaalidu hoggaanka u hayso, iyadoo si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadaha amniga loogu wareejinayo Ciidamada Amniga Soomaaliya.
Buurhakaba ayaa ah magaalo istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku socodka deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana bixitaanka ciidamada Itoobiya uu mas’uuliyadda amniga magaalada si weyn ugu wareejinayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Wareejinta saldhigga Buurhakaba ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dardargelinayso qorshaha ah in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.











