Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yasin Xaaji Samatar, ayaa ku dhawaaqday natiijada cod-bixinta.
Sida natiijada rasmiga ah ee lagu dhawaaqay, waxaa fadhiga maanta xaadiray 174 xildhibaan, waxaana codadka loo kala helay, Cabdulqaadir Cumar Macallin: 30 cod iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo helay 142 cod waxaana xumaaday Codad xumaaday 2 cod.
Sidaas ayuu Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ugu guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo helay aqlabiyadda codadka la dhiibtay.
Doorashadan ayaa timid kaddib markii xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu bannaanaaday, markii Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Doorashada guddoomiyaha cusub ayaa ka mid ahayd qodobadii ugu muhiimsanaa ee ajandaha Golaha Shacabka ee kalfadhiga siddeedaad.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac wuxuu ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xilkaas oo uu hayay tan iyo Maarso 2025.
Waxa uu sidoo kale horey u soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Caddaaladda, waxaana uu muddo hore lataliye sare uga soo noqday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Intii uu ololaha doorashada ku jiray, iyo Khudbadii uu maanta ka jeediyay Golaha Shacabka ayuu Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac wuxuu sheegay in barnaamijkiisa musharraxnimo uu ku dhisan yahay shan tiir oo waaweyn, kuwaas oo ay ka mid tahay in hay’adaha fulinta dowladda lagu sameeyo isla-xisaabtan iyo kormeer joogto ah.
Wuxuu ballanqaaday in Golaha Shacabka uu si dhow ula socon doono hawlaha ay hay’adaha dowladda ka wadaan dalka, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in awoodda fulinta lagu sameeyo kormeer iyo isla-xisaabtan baarlamaan.
Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu noqon karta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo Golaha Shacabka uu wajahayo arrimo culus oo ay ka mid yihiin amniga, doorashooyinka, dastuurka iyo xiriirka u dhexeeya hay’adaha dowladda.
Kaddib ku dhawaaqista natiijada, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Sacdiya Yasin Xaaji Samatar ayaa u yeertay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac si loo dhaariyo, taasoo rasmi ahaan u calaamadeysay bilowga waajibaadkiisa cusub ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.











